• Muuqaalo

  • TAFSIIRKA QURAANKA

  • Om Jai Jagdish – Hindi af Somali

  • BBC Somali dhageyso maqal

  • Flickr Photos

Axkaamta Gabaddha Muslimka ah

Dawro Axkaamta Gabaddha Muslimka ah
lagu qabtay Machadka Alfurqan Ee Magaalad MInneapolis, USA
by Sh. C/qani Qardhaawi
Xijabka Gabadha Muslimadda ah
Gefka Dumarku galaan xiliga la dhaqanka
Axkaamta Dihaarka – Hoyaday baa iga tahay-
Axkaamta Furiinka iyo Rajciga-
Axkaamta Ciddada
Xishoodka Gabadha Muslimadda ah

QODIDDII SAMSAMKA IYO NADARKII ABDI MUDHALIB

Maalin ayaa Cabdimudhalib oo hurda manaam loogu yimid lana amray inuu faago ceelka samsamka oo muddo hore duugmay, meel uu ahaana aan la garanayn. Manaamkii ayuu ku weydiiyey meeshuu ceelku ahaa waana loo sheegay

Goortuu hurdadii ka kacay ayuu meeshii tegey isaga oo uu la socdo wiilkiisii Xaarith oo uu markaas carruur ka qabay wuuna qoday. Markii ceelkii la helay ayaa qureysh kula doodday oo tiri: “Cabdimudhalibow waa ceelkii aabahayo Ismaaciil waxaana ku leenahay xaq ee aan kula wadaagsano.” Hase yeeshee Cabdimudhalib wuu ka diidey arrinkaa oo wuxuu yiri: “mayeelayo arrinkaan aniga ayaa la igu khaas yeelay”. Muddo markii la dooday oo arrinkii lagu kala bixi waayey ayaa la go’aansaday in loo xukun tago habar wax sheegsheegta. Habartii ayaa la wada aaday. Goortii meel cidla ah oo dhexe la marayo ayaa Cabdimudhalib iyo nimankii jifadiisa ahaa, ee reer Cabdimanaf, biyihii ka go’een markaasey raggii kale ee qureysh oo la socday weyddiisteen, hase ahaatee wey u diideen iyagoo ka baqaya in ay dhammaantood oon u wada dhintaan. Continue reading

Tafsiirka Quraanka oo ku turjuman Afsoomali

Halkan waxaad ka daabacan kartaa amaba ka aqrisan kartaa Quraanka Kariimka iyo Tarjamada macnihiisa ee Afka Soomaaliga     Riix halkan .

Axkaamta Soonka

(يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آَمَنُوا كُتِبَ عَلَيْكُمُ الصِّيَامُ كَمَا كُتِبَ عَلَى الَّذِينَ مِنْ قَبْلِكُمْ

لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ (183) أَيَّامًا مَعْدُودَاتٍ فَمَنْ كَانَ مِنْكُمْ مَرِيضًا أَوْ عَلَى سَفَرٍ فَعِدَّةٌ مِنْ أَيَّامٍ أُخَرَ وَعَلَى الَّذِينَ يُطِيقُونَهُ فِدْيَةٌ طَعَامُ مِسْكِينٍ فَمَنْ تَطَوَّعَ خَيْرًا فَهُوَ خَيْرٌ لَهُ وَأَنْ تَصُومُوا خَيْرٌ لَكُمْ إِنْ كُنْتُمْ تَعْلَمُونَ (184)  ) البقرة

Kuwa xaqa rumeeyow waxaa laydinku waajibiyay Soonka  sidii loogu wajibiyay kuwii idinka horeeyey si aad u dhawrsataan. .waa maalmo tirsan ee ruuxii idinka mid ah oo buka ama safar ah waxaa korkiisa ah ayaamo kale(soonkooda)kuwa aan awoodin waxay bixin <quudin> miskiin, ruuxii badsada(khayrkana) saasaa u fiican, inaad soontaan ayaa idiin khayrbadan hadaad tihiin  kuwo wax og. Continue reading

رمــضـــان الكريـــم RAMADAAN KARIIM

رمــضـــان الكريـــم

RAMADAAN KARIIM

 
 

 
•FADLIGA SOOMKA:


Fadliyada soomka waa fara badanyihiin, waxaana ka mid ah inuu Rasuulkeena (SCW) uu yiri: “Haduu ramadaan bilowdo albaabada jannada waa la furaa kuwa naartana waa la xiraa”.

Continue reading

kutubta cilmiga ah halkaan ka dooro

                                         

Asbaabta keento in salaada laga tago

1: Shaydaan iyo adduun; labadani waa sababta ugu weyn ee qofka u diida salaadda iyo camalka wanaagsan, Ilaahayna kor ahaaye waa nooga digay shaydaan iyo adduun Alle wuxuu yiri:

(يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّ وَعْدَ اللَّهِ حَقٌّ فَلا تَغُرَّنَّكُمُ الْحَيَاةُ الدُّنْيَا وَلا يَغُرَّنَّكُم بِاللَّهِ الْغَرُورُ * إِنَّ الشَّيْطَانَ لَكُمْ عَدُوٌّ فَاتَّخِذُوهُ عَدُوًّا إِنَّمَا يَدْعُو حِزْبَهُ لِيَكُونُوا مِنْ أَصْحَابِ السَّعِيرِ) فاطر:5-6

Dadow yabooha Ilaahey waa xaq ee yeyna idin dhagrin nolosha addduunyo, yuuna idinku kedin Allaah dhagarbadane. Shaydaanku waa colkiin ee idinna col ka yeesha, wuxuu xisbigiisa ugu yeeraa uun iney kamid noqdaan kuwa geli naarta saciira. Continue reading

Qofka salaada ka taga

Marnaba salaadda lagama tegi karo, markuu qofka caafimaad qabo iyo markuu jirran yahay, markuu hanti leeyahay iyo markuu sabool yahay, markuu xooggan yahay iyo markuu tabar daran yahay, intaba salaadda waa laga doonayaa waayo salaadda waa xiriirka u dhexeeya addoonka iyo rabbigii abuuray Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

(فَسّبِحْ بحَمْدِ رَبِكَ وَكُنْ مِنَ السَاجِدِيْنَ. وأعْبُدْ رَبَكَ حَتَى يَأتِيكَ اليَقِين) الحجر:98-99

Ku tasbiixso mahadda Rabbigaa ahawna kuwa sujuuda, caabudna Rabbigaa intey yaqiinta (Geerida) kaaga timaado.

Qofka salaadda ka taga xukumkiisu waa maxay? Continue reading

Munaafiqiinta

Munaafiqiinta salaadda wey ku adag tahay, waayo Alle dartii uma tukadaan ee dadkey istustusiyaan. Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

(إِنَّ الْمُنَافِقِينَ يُخَادِعُونَ اللَّهَ وَهُوَ خَادِعُهُمْ وَإِذَا قَامُواْ إِلَى الصَّلاَةِ قَامُواْ كُسَالَى يُرَآؤُونَ النَّاسَ وَلاَ يَذْكُرُونَ اللَّهَ إِلاَّ قَلِيلاً)النساء: 142

Munaafiqiintu waxay dhagri Ilaahey  Isna wuxuu ku abaal marin dhagartooda, markay u istaagaan salaaddana waxay u istaagaan iyagoo wahsan oo istusi dadka mana xusaan Ilaahey  wax yar mooyee. Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Ilaahey  korkiisa ha yeelee wuxuu yiri:

(أثْقَلُ الصّلَاةِ عَلَى المُنَافِقِيْنَ صَلَاةُ العِشَاءِ وَصَلَاةُ الفَجْرِ وَلَو يَعْلَمُونَ مَا فِيْهِمَا لَأتَوْهُمَا وَلَوْ حَبْواً) متفق عليه

Continue reading

ISLAAMKU WAA MAXAY?

Islaamka waa diinta uu Ilaahey kor ahaaye ku soo dejiyey Nabi Muxammad saw. Diintu waxay qof walba oo caqli leh qaan gaadhna ah faraysaa inuu rumeeyo Ilaaheygii abuuray caabudona  shareecaddiisana raaco. Markuu qofka caabudo Ilaahey oo keliya ammarkiisana adeeco qofkaasi wuxuu aduunyada ku noolaan nolol wanaagsan aakhiradana waxaa lagu abaal mariyaa Janno Ilaahey kor ahaaye wauxuu yiri:

(مَنْ عَمِلَ صَالِحًا مِنْ ذَكَرٍ أَوْ أُنْثَى وَهُوَ مُؤْمِنٌ فَلَنُحْيِيَنَّهُ حَيَاةً طَيِّبَةً وَلَنَجْزِيَنَّهُمْ أَجْرَهُمْ

بِأَحْسَنِ مَا كَانُوا يَعْمَلُونَ)النحل:

97

Continue reading