• Muuqaalo

  • TAFSIIRKA QURAANKA

  • Om Jai Jagdish – Hindi af Somali

  • BBC Somali dhageyso maqal

  • Flickr Photos

    Magic moment

    Station..

    December

    SydneyOnACloudyDay :)

    Hartville

    Dhaka, Bangladesh

    More Photos

Goballada Dhexe oo dhammaan xalay looga soo jeedey Weyneynta Mawliidka Nabiga (SCW)


27 02 2010
Waxaa xalay oo dhan laga wada xusayey Deegaanna ay Maamulaan Culimada Ahlu-sunna Wal-jamaaca oo dhan Musanaasabadda Mawliidka Nabiga (SCW).

Munaasabaddaan ayaa waxaa loo dhigay si heer sare iyadoo Magaalo kasta lagu qabtey xaflad aad u ballaaran oo ay ka soo wada qayb-galeen dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan.

Xafladahaan lagu kor yeelayey dhalasada Nabigeenna Suubban (SCW) ayaa waxay ka wada dheceen si isku mar ah magaalooyinka: Dhuusamareeb, Caabudwaaq, Xeraale, Guriceel, Cadaado, Matabaan, Balanbal, Galcad iyo Doolow.

Ciidamada Kumaandoosta ee Ahlu-sunna Wal-jaamaca ayaa gebi ahaanba xalay oo dhan gaaf-wareegayey Goobaha lagu xusey Suubbane (SCW), Xafladahaa loo dhigayey Dhalashada Nabiga Muxammed (SCW) ayaa waxay Culimada Ahlu-sunna Wal-jamaaca aad uga hadlayeen siiradii Nabiga iyo taariikhdiisa iyo hal-gankii Diinta fidinteeda uu u soo galay.

Waxaa kaloo xafladahaas ay Culimada Ahlu-sunna Wal-jamaaca kaga soo jeediyeen wacdiyo qiimi lahaa, oo ay shacabweynaha Goballada dhexe oo dhan ay la riyaaqeen. Sidoo kale waxaa xafladahaas anan ka marnayn Qasiidooyin lagu ammaanayey Nabi Muxammed (SCW).

Xafladahaas ayaa xalay ku soo dhammaadey jawi heer sare ah, iyadoo dadkii ka soo qayb-galay ay isugu hambalyeynayeen Dhalashada Nabigeenna suubban (SCW).

Maamulka Culimada Ahlu-sunna Wal-jamaaca ayaa sheegey in ay sii wadayaan Munaasabadda Mawliidka ilaa bisha ay ka dhammaanayso.

Wararka Mawliidka iyo Munaasabadaha daafaha adduunka ka dhacaya oo Nabigeenna lagu weynaynayo kala soco Mustaqiim

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: