• Muuqaalo

  • TAFSIIRKA QURAANKA

  • Om Jai Jagdish – Hindi af Somali

  • BBC Somali dhageyso maqal

  • Flickr Photos

    Magic moment

    Station..

    December

    SydneyOnACloudyDay :)

    Hartville

    Dhaka, Bangladesh

    More Photos

Shuruuda lagu aqbalo cibaadada


A) Iimaanka; Inuu qofku rumeeyo Ilaahay, ogaadana in Alle oo keliya xaq u leeyahay cibaadada Ilaahay wuxuu yiri:

( وَالْعَصْرِ إِنَّ الْإِنسَانَ لَفِي خُسْرٍ إِلاَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ )اَلعَصَر:1-3


Eebe wuxuu ku dhaartay waqtiga casarka ah in dadku khasaaro kusugan yahay marka laga reebo kuwa xaqa rumeeyay ee camal fiican falay.

B) Ikhlaaska; Inuu qofku Alle cibaadada u saafi yeelo kana fogaado istustus iyo ismaqashiis Ilaaheyna wuxuu yiri:

( وَمَا أُمِرُوا إِلَّا لِيَعْبُدُوا اللَّهَ مُخْلِصِينَ لَهُ الدِّينَ ) اَلبَيِنَة:5

Dadkana waxaan Eebe caabudidiisa ahayn lama farin iyagoo u keli yeeli Eebe diinta.

C) Raacida Sunnada; waxaa waajib ah in qofka muslimka ahi uu kaga daydo cibaadada iyo akhlaaqda (dabciga wanaagsan) Nabiga oo keliya kana fogaado bidcada iyo firqooyinka ka leexday tubta toosan ee Nabiga kuwaasoo neceb Sunnada Nabiga camalkoodana lama aqbalo ee iyagaa dib loogu celin. Caa’isha Allaha ka raali noqdee waxay tiri; Rasuulka Alle naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu yiri:

( مَنْ أحْدَثَ فِيْ أَمْرِ هَذَا مَا لَيْسَ مِنْهُ فَهُوَ رَدٌّ ) رواه البخاري ومسلم

Qofkii ku soo derriya diinteena waxaan ka mid ahayn isagaa dib loogu celin. Taasi waxay daliil u tahay inaan diinta waxna lagu kordhin ama dhimi karin.

Sidaa awgeed waxaa ku waajib ah qofka muslimka ah inuu diintiisa barto kadibna uu raaco kitaabka iyo sunnada waayo Ilaahay kor ahaaye wuxuu faray addoomadiisa wanaagsan iney ku daydaan Rasuulka naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuuna yiri:

( لَقَدْ كَانَ لَكُمْ فِيْ رَسُولِ اللَهِ اُسْوَةٌ حَسَنَةٌ لِمَنْ كَانَ يَرْجُو اللَهَ وَاليَوْمَ الآخِرَ وَذَكَرَ اللَهَ كَثِيْراً ) الاحزاب:21

Dhab ahaantii waxaa idiinka sugnaaday rasuulka kudayasho wanaagsan haddaad tihiin mu’miniinta ka rajeyneysa Eebe khayr maalinta qiyaame Eebana xusa in badan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: