• Muuqaalo

  • TAFSIIRKA QURAANKA

  • Om Jai Jagdish – Hindi af Somali

  • BBC Somali dhageyso maqal

  • Flickr Photos

    Magic moment

    Station..

    December

    SydneyOnACloudyDay :)

    Hartville

    Dhaka, Bangladesh

    More Photos

Diyaar garoow dagaal oo Muqdisho ka socda.


Dhaq dhaqaaqyo ciidan kuwii ugu xooganaa abid ayaa maanta ka jira xeyndaabka dowladda soomaaliya kaga sugan tahay magaalada Muqdisho, iyadoo qeybaha ay dowladdu gacanta ku heyso uu saaka mar qura noqday saxmad ciidan, taasoo dadka ay aad ula yaabeen.                              

Boqolaal ciidamo oo wata dareys milateri gaar ahaan kuwo dadka reer Muqdisho indhahooda ku cusub, ayaa saaka iyagoo raxan raxan u socday ku sii qul qulaya aagaga ay ciidamada dowladda difaaca kaga jiraan, waxaana ciidamada qaarkood lagu daabulayay baabuurta ciidamada lagu xambaaro.

Ciidamada ayaa efandari ahaan lagu xoojinayey aagagga waqooyiga Muqdisho, iyadoo aanay wehlin wax gaadiid dagaal ah, marka laga reebo saanadooda oo aheyd kuwo u dhameystirnaa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadan oo gaaraya kumanaan ay yihiin kuwo dhowaan tababar ku soo qaatay dalka dibaddiisa, hase ahaatee mudooyinkii u dambeeyay ku xareysnaa xerooyinka ciidamada, waxaase haatan muuqata in la soo fasaxay si ay howl-gallo u fuliyaan.

Saraakiisha ciidamada ayaa ka gaabsanaya in ay ka hadlaan dhaq-dhaqaaqyada milateri ee aan caadiga ahayn iyo ciidamada faraha badan ee ku dumay qeybaha ay dowladdu maamusho, waxaana dadka muqdisho ay hadal hayaan in todobaadyada soo socda ay dhici karaan dagaalo.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa maalmihii la soo dhaafay waday goodin ku aadan sidii duulaano saf ballaaran ah ay ugu qaadi lahaayeen kooxaha mucaaradka goobaha ay ku sugan yihiin, waxaana muuqata in diyaar garowgii dowladda ee ku aadan weerarkaas uu haatan soo bidhaamayo.

Ciidamadan cusub ayaa la sheegayaa in ay aagaga kala wareegayaan maleeshiyaadka beelaha ee ku jira qeybaha waqooyi, waxaana isku daygaas uu qeyb ka yahay sidii dowladda soomaaliya magaalada uga saari laheyd ciidamada aan nidaamsaneyn ee maleeshiyaadka ah.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: