• Muuqaalo

  • TAFSIIRKA QURAANKA

  • Om Jai Jagdish – Hindi af Somali

  • BBC Somali dhageyso maqal

  • Flickr Photos

    Magic moment

    Station..

    December

    SydneyOnACloudyDay :)

    Hartville

    Dhaka, Bangladesh

    More Photos

Madaxweyne Shariif oo Qaabilay Wafdi ka socda Qaramada Midoobay.SAWIRRO


Wafdi Balaaran oo kasocda Qaramada Midoobay ayaa maanta Soogaaray Caasimada Dalka Soomaaliya ee muqdisho iyagoona kulan balaaran laqaatay madaxda ugu sareesa Dowlda Soomaaliya.

Wafdigan oo kasoo kicitimay Caasimada Dalka Kenya ee Nairobi ayaa waxa ay ka koobnaayeen ilaa 11 xubnood uu hogaaminayay kuxigeenka ergayga gaarka ee Qaramada midoobay MR Charles Petri ,wafdiga Qaramada midoobay ayaa maanta kulan balaaran madaxtooyada kula yeesheen madaxweynaha DKGS Shiiq Shafriif Shiiq Ahmad iyo Raizil Wasaare Cabdi Rshiid Cali Sharmaarke wafdiga iyo madaxda Dowlada ayana kawada hadlay arima dhowr ah .

Kulankan ay yeesheen wafuuda kasocotay Qaramada midoobay iyo DKGS ayaa looga hadlay dhinacyo badan ay kamid ahaayeen sidii ay isaga kaashan lahaayeen wada shaqeyn balaarana dhax mari laheed hay’daha Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha Dowlada Soomaaliya loona xoojin laha xariirka kadhaxeeya labada dhinac .

Wafdigan kasocda Qaramada midoobay ayaana madaxweynaha Soomaaliya Shiiq Shariif Shiiq Axmad kala hadlay xaalada dalka Soomaaliya iyo sidii loo hor marin lahaa xirrirka Dowlada Soomaaliya iyo tan beesha Caalamka .
// <![CDATA[//

// <![CDATA[//
Charles Petri oo ah madaxii hogaaminayay wafdiga qaramada midoobay ayaa waxa uu sheegay in ay Caasimada Soomalaiya ee Muqdisho dhowr mar ay yimaadeeen kulamana kula qaateen Madaxda ugu Sareysa Dowlada Soomaaliya waxa uuna carabka ku adkeeyay imaanshahooda in ay cadeen u tahay in ay Beesha Caalmka imaan karaa Muqdisho kulana kulmi karaan Madaxda Dowlada iyo qeybaha bulshada.

Charles Petri Ku xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Muddo hal sano ah kadib ay Beesha Caalamku ku kalsoonaatay Xaaladda Deganaanshaha Magaalada Muqdisho islamarkaasna ay Diyaar u yihiin Taageeridda Dowladda Soomaaliya si loo badbaadiyo Soomaalida.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: