• Muuqaalo

  • TAFSIIRKA QURAANKA

  • Om Jai Jagdish – Hindi af Somali

  • BBC Somali dhageyso maqal

  • Flickr Photos

    Magic moment

    Station..

    December

    SydneyOnACloudyDay :)

    Hartville

    Dhaka, Bangladesh

    More Photos

Sida Loo Xusho Ninka Wanaagsan


Gabadhu marka ay gaarto 10 sano waxay dareentaa ama ay isu aragtaa inay ubilaabatay nolol cusub oo ka duwan tii ay horay ugu soo jirtay, waa xilliga ay bilowdo udhabagal iyo la socoshada dhaqanka reerka, ayada oo marmar su’aalo waydiisa gabdhaha ay isku da’da yihiin, sida ayadoo ku dhahda “ abaayoy maxaa la sameeyaa marka ay is-guursadan wiilasha iyo gabdhuhu” iyadoo marka ay su’aashaas waydiinayso saaxiibadeed iska fiirinaysa dhinacyada, si uusan hadalkeedu ugaarin cid dhaafsiisan labadooda. Sii aqri

Haddaba waalidiinta waxaa xil weyn ka saaran yahay u dooridda gabadhooda nin wanagsan una qalma, ilaalinna kara diinteeda iyo nafteedaba, ayaga oo aan marna meesha ka saarayn inay tixgaliyaan rabitaanka gabadhooda.

Haddii waalidkii xilkaasi saaran yahay gabadhana waxay leedahay inay ka fakarto ninka aabbaha unoqonaya ilmaheeda ayadana seygeeda.

Astaamaha Ninka Wanaagsan
Waxaa muhiim u ah gabdhaheena ka fiirsadaan ninka ay la wadaagayso nalosha, lana qaybsanayso jacaylka inta aysan go’aansan aqbalidiisa iyo ku raali noqoshadiisa.

1-Diinta islaamka hayaqaano, hana ku dhaqmo.
2-Dabeecad wanagsan halahaado.
3-Nin dhowrsan ha ahaado.
4-Ehelkiisu nimay jecelyihiin ha ahaado.
5-Caqli low ha ahaado.
6-Aqoon halahaado.( waxay rabto ha ahaatee )
7-Dantiisa hayaqaano.
8-Naftiisa haku kalsoonaado.
9-Geesi ha ahaado.
10-Deeqsi ha ahaado.
11-Go’aan hala haado.
12-Run low ha ahaado.
13-Aamin ha ahaado.
14-Samir low ha ahaado.(dhibka usamra, macsida ka samra, cibadada ku samra)
15-Sumcad dadka ha ku dhex lahaado.
16-Xirfad uu ku shaqaynsan karo ha lahaado.

Qore by: Mohamed Barre Mohamud [ M.B.M ]

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: