• Muuqaalo

  • TAFSIIRKA QURAANKA

  • Om Jai Jagdish – Hindi af Somali

  • BBC Somali dhageyso maqal

  • Flickr Photos

    Magic moment

    Station..

    December

    SydneyOnACloudyDay :)

    Hartville

    Dhaka, Bangladesh

    More Photos

Madaxweyne Sheekh Shariif oo maanta Ka safray muqdisho


Madaxweyne Sheekh Shariif oo maanta Ka safray muqdisho

Saturday 30 January 2010 03:29 PM

Republic of Somalia
Office of the President

Janaayo 30, 2010
War Saxaafaeed

(Muqdisho, Soomaaliya –Janaayo 20, 2010) Madaxweynaha Soomaaliya mudane Sheekh Sharif Sheekh Axmed ayaa maanta ka safray magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, isaga oo ku sii jeeda Addis Ababa, halkaas oo uu ka dhacayo Shirka 14-aad ee Caadiga ah ee Madaxeedka Midowga Afrika.Sii Aqri

Madaxweynaha oo ka hadlaya ujeedada safarkiisa ayaa waxa uu yiri, “Kulankaas waxaa isugu imaanaya madaxda Africa iyo weliba madaxda UN-ta iyo madaxda ururada kale oo caalamiga ah, waxaanna jecel nahay in aan dhammaan kala hadalo himilooyinka ummadda Soomaaliyeed oo ah in ay helaan nabad iyo dowlad shaqaysa.”

Dhanka kale isaga oo ka hadlaya waxa ay dowladda FKM ay hiigsanayso sanadka soo socda, waxa uu Madaxweynuhu yiri, “Sanadkii hore salka ayaan dowladda u dhigeyney, sanadkaanna wax qabad ay ugu horreyso in ummadda laga dul-qaado kooxa nabad iyo nolol diidka ayaa naga go’an, anaga oo ku faraxsan in aan diyaarsannay wixii aannu u baahnayn oo dil.”

Madaxweynuhu waxa uu mar kale ku celiyey baaq uu shalay ka jeediyey xafladddii sanad-guurada dhisidda dowladda midnimo Qaran, isaga oo ugu baaqay dhallinyarada Soomaaliyeed ee hadda la jooga dadka dhiigga Muslimka bannaystay in ay isaga soo haraan kooxaas khaldan, maslaxadda ummaddana hortaagan.

Waxaa horay Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Afrika Soomaaliya u matalayey, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Madaxweynahana safarkiisa waxaa ku weheliya, wasiirro, xildhibaanno iyo saraakiil xafiiskiisa ka tirsan.

Dhanka kale, Madaxweynuhu waxa uu ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in danta, dalka, diinta iyo dadka isku meel looga soo jeesto, oo aan la ogolaan in kooxa dalalkooda ka soo cararay ay umaadda Soomaaliyeed afduubaan.

Communications Department
Email: media@sompresidency.org

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: