• Muuqaalo

  • TAFSIIRKA QURAANKA

  • Om Jai Jagdish – Hindi af Somali

  • BBC Somali dhageyso maqal

  • Flickr Photos

    Magic moment

    Station..

    December

    SydneyOnACloudyDay :)

    Hartville

    Dhaka, Bangladesh

    More Photos

Dowladda Jabuuti oo sheegtay in bisha soo socota ay Soomaaliya u soo direyso in ka badan 450 askari oo qeyb ka noqda ciidamada Midowga Africa.


Maandeeq: JABUUTIWasiirka arimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Jabuuti Max’uud Cali Yuusuf ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in dalkiisa ay ka go’antahay in Soomaaliya ay u soo diraan 450 askari oo reer Jabuuti ah bisha soo socota si ay ay qeyb uga noqdaan ciidamada MidowgaAfrica ee AMISOM ee jooga gudaha wadanka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in talaabadu ay tahay taageerida iyo bar bar istaagida dowladda KMG ee Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaana uu sheegay in ay Jabuuti door muhiim ah ka ciyaaro doonto howlgalka Ururka Midowga Africa oo hadafkiisu uu yahay nabad ku soo dabaalida wadanka Soomaaliya.

Ciidamada AMISOM haatan jooga Magaalada Muqdisho ayaa gaaraya 5000 oo askari kuwaasi oo ka kala socda Wadamada Uganda iyo Burundi waxaana wadanka kasta ka jooga 2500 oo askari iyadoo Jabuutina ay haatan ku soo biirinayso 450 askari taasoo wadarta guud ee Ciidamada Midowga Africa ee jooga Soomaaliya ka dhigeysa 5,450 askari.

“Waxaan diyaarinaynaa ciidamadeena waxaana u tababaraynaa sidii ay ula anba qaadi lahaayeen ciidamada kale ee AMISOM ee jooga Soomaaliya sidoo kalana waxaan filaynaa in wadamada kale ee balan qaaday ciidamada ay sideena oo kale ciidamo u soo diri doonaan Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka Arimaha dibadda ee dalka Jabuuti.

“Dalka Soomaaliya waa dal dariskeena ah xariir dhowna waan la leenahay sidaasi daraadeedna waan araganaa waxa ka jira waana in aan ku tabarucnaa ciidamo iyo qalab militari hadii aan nahay dowladahaAfrica”ayuu intaasi sii raaciyay Max’uud Cali Yuusuf.

Wasiirka arimaha dibada dowladda Jabuuti ayaa sheegay in dhinacyada ka soo  horjeeda dowladda KMG ay doonayaan inay xididada u siibaan dowladda KMG ee Soomaaliya isagoo ugu dambeyntii sheegay in loo baahanyahay wadamada Qaarada Africa in ay gartaan sidii loo taageeri lahaa loona hormari lahaa hay’adaha dowladda KMG ee Soomaaliya.

Dhinaca kale gudoomiyaha Ururka Midowga Africa Jean Ping ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in rajada ugu wanaagsan  ee Soomaaliya ay tahay dowladda KMG isagoo ugu baaqay beesha Caalamka in ay hergaliyaan balan qadyadii lacageed ee ay ka qaadeen dowladda KMG ee Soomaaliya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: