• Muuqaalo

  • TAFSIIRKA QURAANKA

  • Om Jai Jagdish – Hindi af Somali

  • BBC Somali dhageyso maqal

  • Flickr Photos

    Magic moment

    Station..

    December

    SydneyOnACloudyDay :)

    Hartville

    Dhaka, Bangladesh

    More Photos

Dad Soomaaliyeed oo laga sii daayay xabsiyadda dalka Greece.


Dad Soomaali oo ku dhawaad laba bilood ku xirnaa dalka Greece ayaa manta dib xorriyadooda u helay ka dib markii ay dadaal sameeyen Jaaliyadda Soomaaliyeed eek u nool dalkaas Grece.

Mid ka mid ah dadkaan ayaa  warfiyineeda  u sheegay in Ciidamada dalka Greece ay soo qabteen laba bil ka hor ka dib markii ay dalkaas soo gaartay  doon ay saarnaayeen oo ka timid dalkaTurkiga.
Jasiiradda Layroos oo ku taala xadka wadamada Turkiya iyo Griiga ayaa laga sii dayay 8 qof oo wiilal iyo gabdho Isugu jira, waxayna Radio Muqdisho u sheegeen in jaaliyadda Soomaaliyeed ay u istaagen sii daynta Muwaadiniintaan Soomaalida ah.
Mid ka mid ah gabdhaha xurriyadooda helay oo radio Muqdisho la hadashay ayaa sheegtay in ay ku faraxsantahay in ay dib xurriyadooda u heshay ka dib markii ay laba bilk u xirnayd xabsi ku yaala dalkaasi Greece.
Ilyaas xaaji oo ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed eek u guulaystay badbaadibta dakaan ayaa isna Idaacadda qaranka u sheegay in uu ku faraxsanyahay arrintaan isagoo ballan qaaday in karaankooda ay u istaagi doonaan badbaadinta muwaadiniinta kale eek u jira xabsiyada dalka, wuxuuna sheegay in dhawaan ay ku guulaysteen sii daynta dad badan oo ku xirnaa xabsiyada dalka Turkiga kadib markii ay xiriir la sameeyeen Dowladda Greece.
Wuxuu sidoo kale Ilyaas uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo dhalinyaradda tahriibayasha ah in ay ka digtoonaadaan dhibaatada xoogga leh ee ay soomaalidu kala kulmaan badaha Caalamka gaar ahaan badda u dhaxeysa Turkey iyo Greece.

xigasho Radiomuqdisho.net

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: