• Muuqaalo

  • TAFSIIRKA QURAANKA

  • Om Jai Jagdish – Hindi af Somali

  • BBC Somali dhageyso maqal

  • Flickr Photos

    Magic moment

    Station..

    December

    SydneyOnACloudyDay :)

    Hartville

    Dhaka, Bangladesh

    More Photos

Dagaalo xalay ka dhacay Muqdisho


Dagaalo xalay ka dhacay Muqdisho.

  Friday 29 January 2010 09:16 AM

 

Dagaal xooggan ayaa xalay qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho ku dhex mary Ciidamada Dowladda iyo Maleeshiyaadka ka soo horjeeda Dowladnimada.
Dagaaladaan  ayaa  xalay saqdii dhexe    qarxay kadib markii kooxaha Dowladda ka soo horjeeda ay weerar ku soo qaaden dhowr fariismo oo ciidamada Dowladdu ku leeyihiin magaaladda muqdisho, waxayna  dagaaladu soo gaareen saaka waaberigii,  ayadoo qasaaraha ugu badanna uu gaaray dadka rayidka ah ee magaalada   ku nool.
Lama xaqiijin qasaaraha dhabta ah ee uu geestay dagaalku madaama madaafiic dhowr ah ay ku dhecaysay qaybo kala duwan oo magaalada Muqdisho ka mid ah, hase ahaatee saraakiisha gurmadka deg dega ah ayaa tilmaamay in in dhaawaca 21 ruux ay geeyeen xarumaha caafimaadka ee magaalada.
Sidoo kale Afyeenka ciidanka Boosliska Soomaaliyeed g/sare C/laahi Xasan Bariise ayaa Radio Muqdidho u sheegay in madaafiic habow ah oo ay soo rideen kooxaha Dowladda ka soo horjeeda ay dhibaato gaarsiiyeen dad rayid ah oo ku nool degmada Waabari ee gobolkaan Banaadir.
Weerarkaan  ay xalay soo qaadeen maleeshiyaadka Dowladda ka soo horjeeda ayaa qayb ka ah dagaalada aan natijada lahayn ee ay ka dhex wadaan dadka rayidka ah,  ayagoo caadaystay madaafiic ay ka dhex tuura goobaha suuqyada, meelaha ay Bulshadu ku kulanto  iyo weerarro ay  daka ku miraan  xiliyada habeenkii ah ee ay dadku hurdayaan.
 Waxaana masuuliyadda dagaalladaan isku qabsaday maleeshiyaadka Shabaab iyo Xisbul islaam oo war koodu ku soo koobmay  anaa dilay iyo anaa madfaca tuuray,  si look ala badsado dhibaatada lagu hayo shacabka Soomaaliyeed ee muddada dhibaatada ku jiray.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: